Ciidanka dowladda oo howlgal ka bilaabay Muqdisho kadib amarkii Xijaar

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 480 views

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa iyaga oo fulinaya Amarkii kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la xiriiray amniga waxaa ay howlgal ka sameeyeen meelo kamid ah Magaalada amuqdisho.

Ciidamada ayaa howlgallo gaar ah ka sameeynayay waddooyinka dhexmara degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo baaritaan ku sameeynayay, Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha waddooyinka maraya.

Ciidamada Booliska qeybta Waliyow Caddde iyo kuwa Jakboontiuada guur guura ayaa howlgalka sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana uu ahaa mid amniga lagu xaqiininayay, sidoo kale lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya.

Saraakiisha Booliska ee howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in uneedka howlgalkooda uu yahay ka hortegida waxyaabaha maanka dooriya & dadka Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok kusoo bandhiga waxyaabaha Anshax xumada ah, iyaga oo fulinaya amarkii Taliyaha Ciidanka Booliska Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee waddooyinka Maka Al-Mukarama,.Wadnaha iyo 30-ka, halkaas oo howlgalka xoogiisa ay Ciidamadu ka fuliyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response