Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Gedo

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 307 views

Qaraxa oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Gudaha Xerada ADC ee ku taalla degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa Xerada uu ka dhacay waxaa ay tahay mid ay ku tababaranayeen Ciidamo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaas oo loo qorsheeyay inay howlgallo ka fuliyaan Gobolka Gedo.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday laba Askari oo mid kamid ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Ibraahim Faarax uu saaka u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa Risaala u sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira sida qaraxa Miino lagu soo geliyay Gudaha xerada Ciidamada dowladda ee degmada Baardheere.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response