DFS oo QM kala hadashay cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 293 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee.

labada mas’uul ayaa kulanka uga wada hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha iyo xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka uu kujiro waqti doorasho, sidoo kale dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response