Guryaha iyo shacabka Magaalada Laascaanood oo la diwaan-galinayo

by admin | Sunday, Nov 7, 2021 | 394 views

Dowlada hoose ee degmada Laascaanood, ayaa bilowday ollole ay ku diwaan-galinayso dhamaan guryaha ku yaala 27 ka xaafadood ee ay magaaladu ka koobantahay, iyo dadka ku nool oo qof qof loo diwaan-galinayo.

“Waxaanu maanta halkan ku daahfuraynaa barnaamijka diwaan-galinta guryaha oo aanu in badan soo wadnay qorshihiisa, waxaanu diwaan-galin doona dhamaan guryaha ayka koobantahay degmada Laascaanood, guri kasta waxaanu ka qori doona xogtiisa oo dhamaystiran, cida guriga iskaleh, haduu maqanyahay cida ka wakiil ka ah iyo cida guriga dagan” sidawaxa yidhi maayarka Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Diwaan-galintan ayaa la rumaysanyahay in ay kamid tahay talaabooyinka xukuumada Somaliland iyo maamulka degmada Laascaanood oo iskaashanayaa ay ku sugayaan, amaanka magaalada iyo guud ahaan gobolka Sool oo sannadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal lagu beegsaday dadka magaca ku leh gobolka.

Like it? Share it!

Leave A Response