Golaha Wakiilada Somaliland oo war kasoo saaray doorashada Madaxweynaha Somaliland

by admin | Saturday, Nov 6, 2021 | 291 views

Guddiga joogtada ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Guddiga joogtada ee baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in aan marna la aqbali doonin in dib u dhac uu ku yimaado doorashada Madaxweynaha Somaliland.

“Doorashadii Madaxtooyadu Wakhtigeedii ayey ku qabsoomaysaa doonaa hadii aan wax dhibi ku ahi dhicin” ayay warbaahinta u sheegeen Guddiga.

Dhawaan ayay aheyd markii xisbiyada Mucaaraadka ah ay si buuxda ugu guuleysteen doorashada Guddoonka baarlamaanka iyo qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha magaalooyinka.

Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo dhici doontaa 2022 ayaa lagu wadda in ay ku tartamaan Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Like it? Share it!

Leave A Response