Simon Mulongo oo markii ugu horraysay ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay inuu dalka degdeg uga baxo

by admin | Saturday, Nov 6, 2021 | 304 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay diblomaasi u dhashay dalka Uganda, Simon Mulongo, oo ah ku xigeenkii safirka midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo muddo toddobaad ah loo qabatay inuu uga baxo dalka.

Mr Mulongo oo xalay isagoo ku sugan Muqdisho khadka telefoonka kula hadlay wargeyska monitor ee kasoo baxa Uganda, ayuu u sheegay in ay wax lala yaabo ku noqotay go’aanka ay ka qaadatay Soomaaliya, isagoo sheegay in uusan ogayn wax khalad ah uu sameeyay.

“Ma garanayo sababta go’aankan ka dambeysa. Wax fikrad ah uma hayo. Waxaan rabaa in aan xaqiiqada ka hadlo, ee ma ahan in aan wararka xanta ah wax ka sheego,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabayay su’aalahii laga weydiiyay sababta loogu amray in uu Soomaaliya ka baxo.

Mar la weydiiyay waxa xiga tallabadan, ayuu ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, sheegay in ka jawaabidda arrintaas ay tahay arrin u taalla Hoggaanka midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka ay dalka kaga saarayso Mr Mulongo u sababaysay inuu faraha kula jiray arrimo ka baxsan waajibaadka uu ku joogo Soomaaliya isla markaana uu kaga tirsan yahay howlgalka Midowga Afrika

Like it? Share it!

Leave A Response