Ciidamo ka tirsan dowladda & AMISOM oo loo tababaray la shaqeynta Hay’adaha Gargaarka

by admin | Friday, Nov 5, 2021 | 304 views

5-askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa loo soo xiray tababar kor loogu qaadayay isku-dubbaridka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha samafalka iyo kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

Tababarkan oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho oo ay gacan ka siiyeen Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska oo kaashanaya Xarunta Dhexe ee Ciidamada AMISOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (UN-OCHA) ayaa ahaa mid loo qaabeeyey. si loo horumariyo gargaarka bini’aadantinimo, iskudubarid iyo wada shaqayn dhex marta dhammaan Kooxaha ku hawlan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

“Hawlgallada Taageerada Nabadda waa hawl-qabad jilicsan oo u baahan qaab-dhismeed Madani ama Militeriga ah oo adag. Qaab-dhismeedkan waxa uu ku qotoma mashruuc la isku halayn karo kaas oo ku lug leh isuduwidda iyo wadaagista macluumaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, maamullada maxalliga ah, hay’adaha caalamiga ah, NGO-yada, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si kor loogu qaado gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Madaxa Qorshaynta ee AMISOM ee Xarunta Ciidamada, Col. Charles Ayiku.

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UN-OCHA), Ian Ridley, ayaa sheegay in tababarka oo ah kii ugu horreeyay ee loo qabto hawl-wadeennada bani’aadamnimada tan iyo markii uu cudurka faafa ee coronavirus bilaawday, wuxuuna tabbarkaan muhiim u yahay wax ka qabashada xaaladaha Bani’aadannimo ee kajira Aoomaaliyam

“Waxaan rajeynayaa in tani ay furto bog cusub oo wada shaqeyn ah, waxaana ballan-qaadayaa in |UN-OCHA ay soo gudbin doonto qodobbada waxqabad ee kulankaan. Waxaan eegi doonaa dulduleelada dhanka isku xirka iyo xiriirka ah ee aan la leenahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso si aan wax uga qabano inta aan horay u socono” ayuu yiri Mudane Ridley.

Taliyaha Hogaanka Sare ee Kooxda Taageerada Hawlgalka ee UK-MST Lt. Col. Stroud-Caules ayaa sheegay in howlahan ay gacan ka geystaan ​​hagaajinta xiriirka ciidamada iyo bulshada, gaar ahaan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA). Waxay qaadan doontaa door hoggaamineed marka ciidamada amniga qaranka Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Hay’ado Gargaar oo aad u farabadan, kuwaas oo badi lagu dhaliilo in si waangsan aysan ugu gurman Shacabka dhibaateeysan.

Like it? Share it!

Leave A Response