Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada u dhaxeysa Garoowe & laas-Caanood

by admin | Tuesday, Nov 2, 2021 | 269 views

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland kana gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay wadada isku xirta Magaalooyinka Garoowe & laas-caanood ee Gobada Nugaal & Sool.

Ciidamada ayaa dadka iyo Gaadiidka u diidaya inay wadada isticmaalaan, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Mid kamid ah Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya wadadaas ayaa sheegay in  Gaadiid gaaraya ilaa 30 oo ay saaran yihiin Carruur iyo Haween ay wadada ku xayiran yihiin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay dhibaato ku qabaan gadoodka Ciidamada, shaqadoodana xayiran tahay wuxuuna ugu baaqay Madaxda Puntland inay cabashada Ciidamada waxka qabtaan.

Dhowr jeer ayaa Ciidamo ka tirsan  Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan ay u gadoodeen sidaan kale walow markii dambe ay xaliyeen Madaxda Sare ee Maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response