Kenya oo siidaysay Nin katirsanaa Al-Shabaab loona haystay weerar lagu dilay 11 Ruux

by admin | Monday, Nov 1, 2021 | 265 views

Ninka oo lagu Magacaabo Elgiva Bwire Oliacha una dhashay dalka Kenya  ayaa dowladda dalkaasi Kenya ay xbasiga kasiideysay, iyada oo loo heystay in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay 11 qof oo ka dhacay saldhigga basaska ee Machakos Country, ee Nairobi.

Sanadkii 2011-kii ayaa Maxkamad kutaal Magaalada Nairobi waxaa ay ku xukuntay Elgiva Bwire Oliacha xabsi daa’in kadib markii uu qirtay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ee ka howlgalla Soomaaliya.

Sia lagu qoray qaar kamid ah Warbaahinta Kenya siideynta Ninkaan ayaa waxaa ay gudaha dalkaais ka abuurtay dodo muran badan dhaliyay, iyada oo dowladda lagu dhaliilay tallaabada ay Ninkaasi kusii deysay.

Warar kale oo Warbaahinta Kenya qoraysay ayaa sheegayay in ninkan iyo qareenkii u doodayay ay afduubteen dad loo maleynayo in ay katirsan yihiin boliiska, saacaddo kadib markii xabsiga uu ku xirnaa lagasii daayay.

Sannadkii 2011-kii, Elgiva Bwire Oliacha wuxuu qirtay in uu la Shaqeeynayay Ururka Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2018-kii Maxkamad ku taalla Nairobi ay xukunkiisii xabsi daa’inka ahaa ku bedeshay xabsi 15 sano ah kadib markii uu ku guulaystay racfaan uu ka qaatay xukunka lagu riday.

Like it? Share it!

Leave A Response