Dowladda oo war kasoo saartay Soomaali lagu xiray magaalada Ndola

by admin | Saturday, Oct 30, 2021 | 230 views

Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa war kasoo saartat xarig safmar ah oo loo geystay Soomaali kunooleyd dalka Zambia.

Warsaxafeeed kasoo baxay  Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa lagu xusay in ay socdaan baaritaano la xariira sababa keenay in dadkaasi si guud loo xirxiro xilli ay muddo dheer kunoolayeen dalka, islamarkaana arintaasi ay salka ku heyso I sir naceyd.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

Maalmihii lasoo dhaafay boqolaal qof oo kunoolaa magaalada Ndola ayaa xabsiga loo taaxay ka dib  markii la sheegay in dadka kasoo jeedda dalkaasi ay diidan yihiin ganacsiga.

Like it? Share it!

Leave A Response