Tababar loo soo xiray Saraakiil katirsan Booliska Koonfur Galbeed

by admin | Thursday, Oct 28, 2021 | 236 views

25 xubnood oo ka tirsan saraakiisha Booliska dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay muddo todobaad ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Tababarkan oo ay bixinaysay waaxda Boliiska ee AMISOM ayaa lagu baranayay casharro la xiriira baaritaannada dembiyada, maareynta iyo la dagaallanka Argagixisada, xog uruurinta iyo adeegsiga siraha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha IWM.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Col; Amiin Maxamed Cismaan, ayaa sheegay in tababarkan gaarka ah uu yahay mid sare loogu qaadayo tayada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan, u maareeyaan, isla-markaana ula dagaallamaan Argagixisada.

“Tababarkan wuxuu ahaa mid baahi weyn loo qabay oo awood u siinaya hay’adaha ammaanka inay ka hortagaan qorshayaasha iyo tabaha ay Al-Shabaab ku doonayaan inay argagax ku geliyaan oo ay naf iyo maalba ku burburiyaan,” ayuu yiri Col. Amiin.

Bisong Ejue, oo ka mid ah saraakiisha Booliska AMISOM ayaa sheegay in tababarku uu kor u qaadayo xirfadaha lagu horumarinayo xiriirka ka dhaxeeya Booliska iyo bulshada, wuxuuna intaa raaciyay in saraakiishu ay haatan leeyihiin faham buuxa oo ku aaddan la dagaallanka Argagixisada iyo baarista dembiyada tuhmanayaasha.

Like it? Share it!

Leave A Response