RW Rooble oo ka hadlay doorashada ka socota Puntland

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 273 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Shacabka kunool Saddexda degmo ayaa Codkooda dhiibtay, si ay u doorteen Golaha degaanka degmooyinkaas oo ka kala socda 8 Urur siyaasadeed ee kajira degaannada Puntland.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan”

Madaxda dowladda iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Maamulka Puntland ku taageeray qabashada doorashada horudhaca ah ee Golayaasha degaanka, kuwaas oo laga bilaabay Saddex kamid ah degmooyinka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response