Doorasho qof iyo Cod ah oo ka billowday degmooyin ka tirsan Puntland

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 331 views

Waxaa saakay ka bilowday Saddex kamid ah degmooyinka degaannada Puntland Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, kuwaas oo Maalmihii la soo dhaafay loogu jiray diyaar garoow xoogan.

Doorashooyinka ayaa waxaa ay ka socdaan  saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari,.waxaana ku tartamaya Ururada siyaasadeed ee kajira Maamulka Puntland.

Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, waxaana laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578,  sidoo kale waxaa ku tartamaya 449 musharrax, waxaana qorshuhu yahay in la doorto 87 kursi oo ay degmooyinka u kala leeyihiin Qardho: 33 kursi, Eyl 27 kursi iyo Ufeyn:27 kursi

Waxaa aad loo adkeeyay amniga degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, waxaana Guddiga doorashooyinka ay amreen in taleefoonada laga reebo dadka codeeynaya, waxaana sidoo kale la joojiyay isku socodka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response