Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo xabsi Guri la geliyay

by admin | Monday, Oct 25, 2021 | 338 views

Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xabsi guri la geliyay saaka oo Isniin, sida uu baahiyay TV Alxadath ee dalkaas.

Askarta ka tirsan ciidanka dalka Suudaan ayaa isku gedaamay hoyga Ra’isul wasaaraha, arrintan ayaa daba socota xariga saraakiil dowladda ka tirsan oo ay xir xireen ciidanka, dadka la xirey waxaa kamid ah; golaha sare ee xukuma dalka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Aljazeera wariye ka tirsan oo Suudaan jooga ayaa ku soo waramaya in isgaarsiinta dalkaas ay xadidan tahay taas oo muujinaysa xaaladda murugsan ee Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019.

Bishii hore qaar kamid ah military Suudaan ayaa isku dayay afgembi inkastoo uu fashilmay isku daygaas.

Like it? Share it!

Leave A Response