ISIS oo sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Indonesian

0
162

Iyadoo Weerar ku biloowday Qaraxyo iyo Mid toos ah lagu qaaday Caasimadda Dalka Indonesian ee Jakarta ayaa Weerarkaasi waxaa sheegatay Kooxda isku Magacowday Khilaafadda Islaamka Ee Daacish.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 Ruux 20 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray sida ay baahiyeen Warbaahinata Caalamka.
Booliska Dalka Indonesian ayaa sheegay in Weerarka la soo Afmeeray islamarkaana ay wadaan Baaritaano lagu ogaanayo Xogo intaa ka badan.
Sidoo kale Magaalada Jakarta ayaa Xalaad Deg Deg ah lagu soo rogay,waxaana Magaalada la geeyay Ciidamo Aad u badan.
Warka ISIS ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Weerarkaasi uu ahaa mid Qorsheysan oo Daacish ay soo abaabushay.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE