Maamulka Koonfur Galbeed oo Hay’adaha UN-ka kala hadlay u gurmashada.

by admin | Friday, Oct 8, 2021 | 334 views

Guddiga gurmadka dhawaan uu u xilsaartey Madaxweyaha Koonfur Galbeed dhibaatadii loo geystey dadkii laga soo musaafuriyay laascaanood ayaa kulan la qaatey Hay’addaha UN-ka u qaabilsan arrimaha Gargaarka.

Kusimaha Madaxa guud ee isku xirka arimaha gargaarka (Humanitarian Coordinator) ahna Madaxa Unicef Dr Mohamed Ayoya iyo madax kale oo ka socotey UNka ayaa warbixino ka dhageystey guddiga oo ku saabsan xaalada dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood.

Xubnaha Guddiga ayaa Hay’adaha UN-ka ka codsaday inay Maamulka Koonfur Galbeed kala qeyb qaataan u gurmashada dadka Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

In ka badan 2000 oo qof oo Somaliland kasoo kusaafurisay magaalada laas-caanood ayaa waxaa ay ku sigan yihiin degaannada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, iyaga oo ku wajahan degaannada ay kasoo jeedaan ee Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response