Akhri Nuxurkii Khudbada Xasan Sh Maxamuud iyo Sarbeebta Siyaasada Axmed Madoobe iyo Gaas oo…

0
161

Madaxeynaha DF  Soomaaliya Xasan Sheikh  ayaa qudbadiisa Shirka qaran ee kascda Magaalada Kismaayo ku sheegay in Soomaaliya maanta ay kasoo gudubtay dhibaatadii ay dhaleen dagaaladii Sokeeye ee Soo maray dalka.
Waxa uu sheegay in Maanta Soomaaliya ay u baahan tahay midnimo iyo dowladnimo xoogan,Madashan quruxbadan oo ay fadhiyaan dad kala duwan waxa uu go’aankoodu gundhig u yahay Mustaqbalka Siyaasada Soomaaliya Ayuu Yiri Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka ee Soomaaliya.
Xili uu tusaaleyaal bixinayey ayuu ku sheegay in Madaxda ku dhagan in nidaamka 4.5 LAGA guuro ay tahay in ay ka fikiraan wixii lagu badalo lahaa iyo dal dhan meesha loo raro,oo u baahan sida uu yidhi in loo sahamiyo,Waana hubaal ayuu yidhi Madaxwayne Xasan in dadka Soomalaiyeed ay hiilo u baahan yihiin maanta.
Wadajirka Umadda Soomaaliyeed aad iyo aad ayey u tahay Mabda’a aas aasi ah oo aan la taaban karin taas ayaana rajeyneynaa inaan ka talino ayuu hadalkiisa kusii daray.Madaxweynaha Jamuuriyadd ayaa ku dheeraatay ka sheekeynta wax yaabaha uu ka badali karo siyaasada Soomaaliya kulan kan kulamadii kale ee la xiriiray ka tashiga aayaha siyaasada Soomaaliya.
“Beesha Caalamka ayuu ku sheegay in aan loo baahanayn marka xaalada ay sida oo kale tahay,Wuxuuna sheegay in Xiligan ay dadka Soomaaliyeed isku Filaansho gaadheen,isaga oo sheegay in xaaladaha noocan oo kale ay yihiin kuwa Madaxda Soomaaliya looga baahan yahay in ay go’aan umadeed gaadhaan”Ayuu yidhi Madaxwayne Xasan Sh Maxamuudtopsecret9

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE