Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay Amniga & dhaqaalaha

by admin | Friday, Oct 8, 2021 | 224 views

Wasiirka  Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda Wafdi ka socday dowladda Sweden oo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mr. Per Lindgärde, Petra Smitmanis Dry Madaxa hay’ada horumarinta Iskaashiga Caalamiga Sweden ee loo soo gaabiyo (SIDA ), iyo Kormeerayaal ka socday Wasaaradda Arimaha Dibada dalkaasi.

Madaxda dhinacyadooda kala duwan waxay isla gorfeeyeen xoojinta xiriirka horumarineed ee labada dal, dhinacyada Amniga, Haweenka, Dhallinyarada iyo dhaqaalaha, iyada oo loo marayo Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Danjiraha Sweden ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in taageeridda joogtada ah ee Sweden ee ku aaddan Horumarinta Soomaaliya la dar-dargalin doono, wuxuuna ballan qaaday inuu xoojin doono qaybaha kale sida amniga, doorashooyinka iyo Arrimaha muhiimka ee ku xusan Qorshaha horumarinta Qaranka.

Dowladda Sweden ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana safiirka Cusub ee dhawaan u soo magacaabay Soomaaliya uu wadaa dadaalo lagu dardar gelinayo wadashaqeynta Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response