Cabdi Xaashi & Mahdi Guulleed oo dhaleecayn xooggan kala kulmaya Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ay shaaciyeen.

by admin | Wednesday, Sep 22, 2021 | 252 views

Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi oo ay 21 February 2021, shaaciyeen gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka waqtigu ka dhacay Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumadda Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa dhaleecayn kala kulmaya beelaha goboladda waqooyi iyo siyaasiyiinta.

Cabdi Xaashi ayaa lagu eedeeyay in uu xirtay mid ka mid ah kuraasta iyo in aysan xulistooda u marin nidaam daah furan.

Idil Maxamed, oo ka mid ah siyaasiyiinta goboladda Waqooyi oo la hadashay Mustaqbal Media ayaa ku tilmaantay Caddaalad-darro uu sameeyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, qaabka uu u maray xulista mudane-yaasha Aqalka.

“Taariikhda ayay u gali doontaa waxuu nagu sameeyay Cabdi Xaashi ayay tiri” iyada oo wasiirka 1aad ee Xukumadda ku eedaysan in uu aqbalay “Liis xaaraan ah” oo saaxiibtimo iyo nin jeclaysi lagu soo xulay.

“Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaligiis ayuu tartamayaa waxa uuna ka mamnuucay beeshiisa in qof la tartanto” ayay hadalkeeda raacisay.

Xubnaha laga tagay ee u tartamaayay Aqalka sare ee goboladda waqooyi waxaa ka mid ah;-

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore Ridwan XirsI Maxamed.
  2. Wasiirku xigeen hore Faysal Xuseen Daahir
  3. Kayse Adam Ismaaciil
  4. AXmed Maxammed Showr
  5. Rooda Xirs Xuseen
  6. IdIl Maxamed Saleebaan
  7. Saynab Muxumud Kudhagoo
  8. Deeqo Maxamed Saalax
  9. ZamZam Yuusuf
  10. Axmed CiIse Cawaale
  11. Hodan Qalbi
  12. Senator Nuura Faarax Jaamac
  13. Senator Muxuyodin Sheekh Cali Jaamac
  14. Shugri Aadan Caateeye
  15. Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf
  16. Suldaan Maxamed Muuse
  17. Maxamed Khaliif
  18. Cabdixakiin Maxamed

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa sheegay, in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Geelleed aysan nidaam daah u furan kuraasta ugu qaybin beelaha daga goboladda waqooyi ee dalka isla markaana ay liiska ku soo qorteen xubno ay saabiixo yihiin.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Like it? Share it!

Leave A Response