Soomaaliya & Kuwait oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah

by admin | Wednesday, Sep 22, 2021 | 391 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu haboon oo loo sii xoojin karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada  shacab iyo sidoo kale iskaashiga sidii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadanay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay aririntaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kal-fadhiga 76 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Like it? Share it!

Leave A Response