Dhul-gariir ka dhacay magaalladda Melbourne ee Australia

by admin | Wednesday, Sep 22, 2021 | 406 views

Dhul-gariirka oo halbeegiisu ahaa 5.9 Rector Scale laga dareemay magaalladda Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah Melbourne.

Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha dalkaasi.

Ilaa haatan, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalladda 2aad ee ugu weyn dalkaasi.

Saxafi Ali America oo ku nool Australia ayaa sheegay inay dadka dareemeen walaac ballaaran, kadib, markii uu dhulka la ruxmay.

Like it? Share it!

Leave A Response