Soomaaliya oo dib ula soo wareegtay mas’uuliyadda Hay’ado ka maqnaa

by admin | Tuesday, Sep 21, 2021 | 410 views

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegeysay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Munaasabadda la wareegitaanka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay Hay’adda FAO oo dhamaan ay wada hoostagayeen, kaaliyaha xoghayaha Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya iyo Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana hehiiska lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wax badan kasoo qabteen dhinaca horumarinta sugnaanta Cuntada iyo Biyaha, isla markaana ay rajeeynayaan in Soomaaliya ay wax badan ka bedeli doonaan horumarinta mashaafiicdaan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiitikada Qaranka ayaa tilmaamay in hay’adaha ay la wareegeen ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dalka waxbadana ay ka bedeli doonaan xogihii laga gudbin jiray Soomaaliya .

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay ula soo wareegtay Hay’ado iyo Barnaamijyo kale oo ay Hay’ado kale iyo dowladdo gacanta ku hayeen 30-kii sano ee la soo shaafay, kuwaas oo hadda ay sitoos ah u maamuleyso dowladda Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response