Maamulka degmada Buula-burde oo faah faahiyay qaraxyada lagu burburiyay dhismaha Garoonka

by admin | Sunday, Sep 19, 2021 | 375 views

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo lagu weerarray dhismaha cusub ee garoonka Buula-burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub oo loogu talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray sida ay muujinyaan sawiro laga soo qaaday.

Maamulka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen qaraxyda lagu burburiyay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Buula-burde.

Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Axmed Mahad Nuur ayaa sheegay in saka markii Maamulka iyo Ciidamada ku baxeen Garoonka uu ka dhacay qarax ay Al-Shabaab joos geliyaan matior yaalay Garoonka, isla markaana Shanta qof ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhamaan dadkii qaraxa ku dhaawacmay la keenay Magaalada Muqdishi, sidoo kalena ay sameyn doonaan dadaal ku aadan sidii Ciidamada doadda iyo kuwa Jabuuti ay u sugi lahaayeen Amniga Garoonka.

Dad badan ayaa is weeydiinaya sababta ay ku dhacday in Garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde oo amnigiisa ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay Al-Shabaab ai fudud qaraxyo ku burburiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response