Kulan Buuq ku dhamaaday oo Beledweyne ku dhexmaray Odayaasha Reer Hiiraan iyo Xildhibaanno

0
201

image

Madaxweynaha Soomaliya
Xassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu
Hogaaminayo oo ka kooban labada Gole ee
dowlada ayaa maalintii labada ku sugan
Magalaada Baladweyne islamarkana kulamo ka
qaadanaya Waxgaradka iyo odayasha dhaqanka
Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaliya Xassan
sheikh Maxamuud ayaa ku Guuldareystay in
fikirkood ay ka gadan Bulshada ku dhaqan
Gobolka Hiiraan islamarkana ku Saabsan in
Gogasha shirka Maamulka Goboleedka Hiiraan
iyo shabeellaha dhexe lagu qabto Magaalada
Jowhar iyado Ariintan ay si weyn ugu biya
diideen waxgaradka Gobolka Hiiraan ilaa iyo
haddan ma jiro wax Natiijo ah oo ka soo baxay
Kulamada u dhexeya Madaxweynaha Soomaliya
iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo kulan kula
qaatay Hoolka shirarka Xaruunta Maamulka
Gobolka Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka
Soomaliya oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa
ku soo dhamaday Buuq iyo Fowdo.
Madaxweynaha Soomaliya Xassan sheekh
Maxamuud ayaa kulamo iyo shirar Gooni Gooni
ah la qaadanaya Maamulka Gobolka Hiiraan iyo
waxgaradka isago ku qancinaya in Gogasha
shirka lagu qabto Magaalada Jowhar islamarkana
Caasimada labada Gobol ay tahay degmada
Bula burde ee Gobolka Hiiraan inkastoo
Waxgaradka Gobolka ay ka soo horjeesteen in
Shirka Maamulka labada Gobol lagu qabto meel
ka baxsan Magalaada Baladweyne.
www.reegaay.com/kalasoco warkii udanbeeyey soomaaliya iyo caalamkaba.
by:Dahiryare

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE