Sheekh Shariif oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble & kiiska Ikraan Tahliil.

by admin | Thursday, Sep 9, 2021 | 338 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil ee sababay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xaaladda siyaasadeed ee xilligaan dalka.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Qoyska Ikraan Tahiil, waxaana uu sheegay in arrinta ku dhacday ay tahay mas’uuliyad darro weyn oo dalka ka dhacday.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in saraakiisha Hay’adaha amniga ay helaan amni buuxa, waxaana uu dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadka lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka Ikraan Tahiil, isaga oo u mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaag u muujiyay Qoyska Ikraan Tahliil.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay ayaa sheegay in kiska Ikraan Tahliil uu ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Madaxeynaha & Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay sababtay wadashaqeyn la’aan ka dhaxeyso Hay’adaha Amniga, waxaana Sheekh Sheekh uu si cad u sheegay in aan la aqbali karin in qofwalba sharciga dalka sida uu rabo ka yeesho

” Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan oo keenay in hay’adaha amniga wadashaqeyneyn  waayaan waa wax aad looga xumaado, waayo waxaa meesha ka baxeeysa dowladnimada mudada la soo waday, mana aqbaleyno in qof walba wixii uu doono in uu iska sameeyo ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda uu niyad jebinaayo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha taageera, sidoo kalena uu caqabad ku yahay qabsoomida doorashada, waxaana Madaxda Sare uu ugu baaqay in khilaafkooda ay si nabad ah ku xaliyaan, isla markaana dhankooda ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Like it? Share it!

Leave A Response