Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulamo ka wadda Caabudwaaq

by admin | Saturday, Aug 21, 2021 | 328 views

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo kulamo la tashi ah ka wada Dagamada Cabudwaaq ayaa waxa u Caawa Madaxtooyada Cabudwaaq ku qabiilay qaar ka mid ah Dhalinyarada iyo Aqonyahanka Dagmada Cabudwaaq.

Madaxweyne kuxigenka Galmudug Mudane Ali Eid ayaa dhalinyarada Cabudwaaq ugu baqay in ay fadhiga ka kacan oo ay ka qayb qatan Sugida Amniga ,dib u so celinta Bilicda Cabudwaaq kana shaqeyaan isdhexgalka Bulshada Dagmada Cabudwaaq.

Sido kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa dhalinyarada Cabudwaaq u balanqaday in awooda dhalinyarada dib logu celin doono shaqo abuurna lo sameyn doono Madama dhalinyaradu tahay mustaqbalka wadanka

Dhanka kale Dhalinyarada Dagmada Cabudwaaq ayaa so dhaweyay in awooda dagmada dib logu so celiyo dhalinyarada  waxayna balanqadeen in ay sameyn doonan isbadal dhab ah oo ku yimada Cabudwaaq

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa u mahadceliyay Maamulka Dagmada Cabudwaaq iyo Gudomiyahooda Mahad Cumar waxana u ku tilmamay geesiyaal duruf adag ku so shaqeyay Mudane in lo abaal gudo.

Like it? Share it!

Leave A Response