Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Aug 19, 2021 | 328 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in dhowaan ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweyne laftagareen ayaa ka yimid Magalada Baydhabo ee Xarunta  Gobolka Baay , waxaana inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin kala duwan.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay magaalada Muqdisho soo gaaran Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada, kuwaas oo a qeyb geli doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response