Banaanbaxyo ka billowday Magaalooyinka Afganistan

by admin | Wednesday, Aug 18, 2021 | 249 views

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad isugu soo baxay wadooyinka magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistaan, iyagoo ka dalbanaya Taalibaan inaysan badalin calanka qaranka Afghanistan.

Mudaharaadyadaan ayaa daba socda warar sheegaya in banaanbaxyo kuwan la mid ah ay ka dhaceen deegaano kale ee ka tirsan isla dalkaas.

Kooxda Taaliban ayaa hadda gacanta ku heysa inta ugu badan dalka Afganistaan, waxana saacadihii la soo dhafay dhacay isbedelo farabadan oo ay sameeyeen Kooxda, isla markaana Bulshada ay la qabsatay.

Like it? Share it!

Leave A Response