Laamaha Amniga Soomaaliya & kuwa AMISOM oo howlgal Wadajir ah fuliyay

by admin | Wednesday, Aug 18, 2021 | 349 views

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwa Booliska Hir-Shabelle iyo Nabadsugida oo ay wehlinayeen kuwa AMISOM ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxa ay Maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Ciidamada oo howlgalka ka fuliyay Afarta Xaafadood ee magalada Jwhar ayaa baarayay gurtaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in lagu qabtay howlgalka dad la tuhmayo.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar Gaashaanle Dhexde Bassiir Xasan Xalfooy ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sugida amniga maadaama doorashooyin ay ka dhacayaan magalada, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda.

Sidoo kale taliyaha ayaa Ciidamada howlgalka waday ku booriyay Shaqada ay u hayaan Bulshada, waxaana uu ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo isbadaba joog ah.

Like it? Share it!

Leave A Response