Galmudug oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug

by admin | Wednesday, Aug 18, 2021 | 292 views

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Shabeelow oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay gelinkii dambe  ay ku dagaalameen Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerareen degaanka Shabeellow.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa qiray in saraakiil ka tirsan Galmudug ay dagaalka ku dhinteen, waxaana uu sheegay inay Al-Shabaab degaanka weerarka kusoo qaadeen.

Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay dagaalka khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay weli ku raad joogaan Xubnaha Al-Shabaab ee Ciidamada weerarka kusoo qaaday.

Dagaalka ka socda degaannada Koonfurta Gobolka mudug ayaa waxaa uu yahay mid waqti dheer qaatay, balse Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay degaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response