Itoobiya oo xirtay Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Tuesday, Aug 17, 2021 | 327 views

laamaha Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xiray ugu yaraan Afar siyaasi oo xilal waaweyn kasoo qabtay deegaanka Soomaalida, kuwaas oo lagu xiray xabsi ku yaal Magaalada Jigjiga.
Siyaasiyiintan oo Addis Ababa laga soo qab qabtay ayaa diyaarad lagu soo qaaday, kadibna laga dajigey Magaalada Jigjiga, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalida.

Siyaasiyiinta ay Ciidamada Federaalka Itoobiya xireen ayaa waxaa kamid ah Cabdifataax Macalin oo madaxweyne ku xigeen kasoo noqday deegaanka Soomaalida, Sidoo kalena si weyn uga soo horjeestay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar iyo tan hadda talada haysa ee Mustafe Muxumed Cagjar.
Siyaasiyiintaan ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay gacan saar la leeyihiin xoogaga TPLF- ee gobolka Tigreega oo dowladda Itoobiya ay dagaal xoogan kula jirto.
Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa horay u xiray Siyaasiyiin Soomaali ah iyo kuwo kale oo kasoo jeeda Qowmiyadaha dega dalka Itoobiya, kuwaas oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda TPLF ee lagula dagaalamayo Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response