faafaahin:Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

by admin | Tuesday, Aug 17, 2021 | 348 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay degaanka Bacda oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dileen laba Ruux oo kala ahaa hal Nin iyo Haweeneey halka laba kale ay ku dhaawaceen, iyaga oo goobta ka baxsaday.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen inay ahaayeen dad kala gudbin jiray gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo deegaannada Galmudug, kadib markii dilalka aanooyinka qabiil ay kusoo bateen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Labada qof ee weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Galad Xasan Siyaad iyo raxma Xiireey , kuwaas oo caan ka ahaa degaan Bacda, waxaana la sheegay in dilkooda uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo kajira Gobolka Hiiran.
Laamaha Amniga degaanka Bacda ayaan weli ka hadlin weerarka dilka iyo dhaawaca ah ee ka dhacay degaankaas, waxaana horay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan aanooyin qabiil loogi dilay Darawalo kaxeyn jiray Gaadiid ka howlgalla Gobolka Hiiraan iyo degaannada Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response