Jubbaland oo ka hadashay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Doolow

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 276 views

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa waxaa uu umahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qadatay xalintii shaqaaqadii yareyd ee ka dhacday degmada doloow ee Gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale loogu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka oo ugu horeeyo suldaanka ,maamulka degmada ,taliyaha  guutada 10aad , taliyaha nabad sugida gobolka.

Sidoo kale waxaa loo mahad celiyay Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed, abaan duulaha ciidanka XDS iyo taliyaha ciidanka lugta sidii nabad galyada aheyd ee loo xaliyey shaqaaqadii yareyd ee ka taagneyd degmada doloow.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo & kuwii uu dowladda ku wareejiyay Cabdirashiid Janan ay ka taagneyd degmada Doolow balse xal laga gaaray

Like it? Share it!

Leave A Response