Koofur Galbeed:-3 Senotor oo maanta lagu doortay magaaladda Baydhabo?{sawiro}

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 297 views

Baarlamanka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah magaaladda Baydhabo ku doortay 3 Senator oo maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Kursiga 1aad

Kursiga 1aad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, waxaa ku tartamay wasiirka Difaaca xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.

May be an image of 2 people and people standing

Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 74 , halka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod.

Xasan Xuseen Xaaji waxa uu ka hor soo galitaankiisa siyaasadda ahaa Qareen mudo 20 sano ah, sidoo kale wuxuu soo noqday la taliyihii hore xaga dastuurka ee xafiiska madaxweynaha.

Shaqooyinka usoo qabtay waxaa ka mid ah xubin guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, dhanka xukuumadda waxa uu ahaa wasiirkii hore cadaaladda xukuumadii kheyre, isaga ooo hadda ah wasiirka gashaandhigga.

Kursiga 2aad

May be an image of 1 person, sitting and suit

Kursiga 2aad ee doorashada Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdiqaadir Cabdi Axmed.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal ayaa ku guuleystay doorashada kadib markii uu helay codad dhan 68, halka Cabdiqaadir Cabdi Axmed uu helay 22 cod.

Cali Sheekh Maxamuud Gacal, waxaa uu ku dhashay degaanka Kuntuwaareey ee u dhaxeeya degmooyinka Marka iyo Baraawe, wax ku bartay iskuulka Masaarida ee Marka, kana baxaya Jaamacadda Lafoole.

Xilligii dowladii kacaanka waxaa uu noqday guddoomiyaha dhalinyarada Banaadir 8 sano, xogheyaha waxbarshada ururka dhalinyarada Soomaaliyeed muddo 2 sano ah, weriyey Radio Muqdisho iyo qoraa Xidigta Oktobar isaga oo markii dambe macalin ka noqday kuliyadda xanaada xoolaha.

Burburkii kadib, waxaa uu shareecada islaamka ka dhigayey jaamacadaha dalka, garsoore maxkamadda gobolka Banaadir 11 sano, guddiga khubadarada ee diyaarinta dastuurka lagu dhaqmo.

Like it? Share it!

Leave A Response