Urrurada Bulshada rayidka oo sheegay in doorashooyinka musuq maasuq ku billowdeen

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 364 views

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin sida ay ku bilaawdeen doorashooyinka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku noqon doonto dowladda soo socota.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sida ay u dhaceen doorashooyinka Aqalka sare ay yihiin kuwo billow u ah musuq maasuq baahsan oo ay wajihi doonto dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in Madaxda dowlad Goboledyada ee gacanta ku haaya doorashooyinka inay dareemaan waxa ay musuq maasuqayaan ay yihiin wax ay la Shaqeyn doonaan Afarta sano ee soo socota.
Ugu dambeyn guddoomiye Shaatax ayaa ka dalbaday in Madaxda dowlad Goboleedyada looga baahan yahay inay ilaaliyaan nidaamka doorashada si ay u helaan dad matala degaannada ay maamulaan.
Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay walaac ka muujiyeen sida ay u ku billowdeen doorashooyinka Aqalka sare.

Like it? Share it!

Leave A Response