Taliyaha Cusub ee Booliska Magaalada Jowhar oo xilka la wareegay

by admin | Sunday, Aug 8, 2021 | 291 views

Munaasabad kooban oo ay xilka kukala wareegayaan taliyihii hore ee saldhiga degmada Jowhar iyo taliyaha cusub ee dhawaan la soo magacaabay ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo uu ka midyahay taliyaha qaybta booliska Gobalka Shabeellah Dhexe, ayaa Waxaa ugu horeeyn ka hadlay tiliyihii hore ee saldhiga booliska Dhame Maxamed Siyaad Cali {Canjeex} wuxuuna  ka codsaday shacabka degmada Jowhar mudadii uu jogay saldhiga sidii ay ulla shaqeeyeen in ay ulla shaqeeyaan taliyaha cusub.

Waxaa isna goobta ka hadlay gaashaanle dhexe Shashiir Xasan Xalfow wuxuuna shacabka ka codsaday in ay si wanaagsan  ulla shaqeeyaan taliyaha cusub.

Ugu danbeen ku  simaha xeer illaalliyaha guud ee maamulka  Hirshabeelle Cabdiraxmaan Cali Xuseen  ayaa tilmaamay muhiimada uu  boolisku u leeyahay bulshada, loona baahanyahay in ay la shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response