Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban kiiska Ikraan Tahliil{AKHRISO}

by admin | Friday, Jul 16, 2021 | 307 views

Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas.
Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida ee NISA, oo ay ka tirsaneyd howl-wadeenadeeda.
“Haddii aan arrintaan kor ka eegay oo aan hoos ka eegay, tuhunka maqnaanshaha gabadhaan waxay ku arooraysa hay’adda NISA, haddii aysan jirin qof dambiga qiranaya ama lagu haayo, waxaa abuuraya shakiyo, oo ah meesha uu dambiga ka dhacay iyo dadkey la shaqeynaysay,” ayuu yiri.

“Dad badan ayaa wareystay, si qaas ah ayaa u daba joogay kiiskaan, waxay dhex deganeyd gabadhu meel amaan ah oo la ilaaliyo, meeshey dhex deganeyd ama u dhaweyd waxay aheyd hay’adda Nabad-sugida, dhaq-dhaqaaq kasta iyo cid kasta oo meeshaas soo galeysa iyo cidkasta oo kasoo baxeysa si toos ah ayaa loo arki karaa ama CC-Camera ayaa laga arki karaa.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal tahay inay dhibane u tahay arrin ay ogtahay oo aysan rabin saraakiisha iyo madaxda dowladda in la ogaado, lana rabo in gebi ahaanba la tir-tiro.

Like it? Share it!

Leave A Response