Guudlaawe oo xildhibaanada Hiiraan u sheegay inuusan wax ka qaban karin qorshaha Villa Somalia

by admin | Wednesday, Jul 14, 2021 | 350 views

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin reer Hiiraan ah oo uu qeyb ka yahay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa habeen hore Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha HirShabellle Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadaan iyo siyaasiinta oo dhamaantood u dhashay beesha Xawaadle ayaa Guudlaawe ka dalbaday in uu is hortaago in guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca HirShabelle aan laga dhigin Axmed Xasan Diini, kaasoo isla maanta la doortay.

Diini oo maanta loo doortay guddoomiyaha guddigaas ayay Xildhibaanadaan ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in dhamaan Xildhibaanada Xawaadle kaliya uu ka soo laaban doono Nuur Iidow Beyle, halka inta kalane uu ku dadaali doono inaysan soo bixin, isagoo sababta ugu sheegay in uu amarkaas ka soo baxay Villa Somalia.

Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in Diini ay wadato Villa Somalia islamarkaana uusan waxba ka qaban karin.

Sidoo kale siyaasiintaan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo isu dhiibay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana loo gaaro go’aanada siyaasadeed ee degaankiisa ama mida guud ee dalka. HirShabelle gaar ahaan magaalada Beladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ugu adag ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka HirShabelle ayaa aad loo saadaalinaya inay kasoo bixi doonaan xildhibaano aad u taabacsan Villa Somalia, sababtuna ay tahay in maamulkaas uu si buuxda gacanta ugu jiro madaxtooyada, ayada oo Guudlaawe uu

Like it? Share it!

Leave A Response