Booliska Dhuusamareeb oo soo bandhigay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Jul 13, 2021 | 352 views

Dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu iskudhiibey ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Ciidanka Boliiska ee Deegaanka Ceeldheere.

Dagaalamahan oo ah Wiil Dhalinyaro ah oo Magaciisa ku sjeegay Calas, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Calas Axmed Xirsi, oo loogu yeeri jiray (Careys), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay dhibaago uu sheegay inay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan u dilayaan, isla markaana uusan waxba ka qaban karin.

Calas oo iminka gacanta dowlada ku jira 7-cisho, ayaa sheegay in uu ka soo dagaallamay deegaano ka tirsan Galmudug oo uu ku sugnaa intii uu la Shaqeeynayay Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response