Wariye lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Jul 13, 2021 | 319 views

Ciidamada Booliska Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta Barqadii waxaa ay xireen  Wariye Farxaan Axmed Cabdi (Fiicane) oo kamid ah Wariyeyaasha degaannada Galmudug.

Wariyaha oo ah wakiil wareedka tv-ga Universal ayaa xilliga la xirayay ku howlanaa soo tabinta cabasho ay muujinayeen wadayaasha mooto-bajaajta oo isku soo bax ka sameynaya afaafka hore ee xarunta maamulka Degmada Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska ayaa Wariyaha kala wareegay qalabkii uu wax ku duubayay oo ay kamid tahay Camerada kadibna ay ku xireen Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

Qaar kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay haatan wadaan dadaal ku aadan sidii Wariyahanuu xorriyadiisa uu u heli lahaa si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.

Magaalada Dhuusamareeb ee  Caasimadda Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu xiray Wariyeyaal xilli ay wateen Shaqasooda, waxaana taasi ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliueed.

Like it? Share it!

Leave A Response