Puntland oo faah faahisay howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab & Daacish

by admin | Tuesday, Jul 13, 2021 | 303 views

Taliska Ciidanka Difaaca ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin guud ka bixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Puntland ka sameeyeen degaano ka tirsan Maamulkaas.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in howlgallada oo ka dhan ahaa Al-Shabaab iyo Daacish muddo laba todobaad ah ka socdeen degaano hoostaga Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in howlgallada oo ay fuliyeen Ciidamo gaar ah lagu dilay 6 dagaalyahan tiro kalena lagu dhaawacay, sidoo kale ay burburiyeen Saanad Millateri.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Yaasiin Cumar Dheere ayaa sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda, waxaana uu ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Puntland ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya degaano ka tirsan Maamulkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response