faafaahin : madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ku yaal Gobolka Hiiraan 7 12 2021

by admin | Monday, Jul 12, 2021 | 368 views

Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo qaarkood ku dhacay goobo u dhow Saldhiga, balse ilaa iyo hadda aan la shaacin khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay dhankooda Al-Shabaab ugu jawaabeen madaafiic xoogan, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dadka degmada Buulo-Burde qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday intii ay hoobiyeyaasha isweeydaarsanayeen Ciidamada Jabuuti iyo Al-Shabaab, isla markaana ay ka cabsi qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya devmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, waxaana weerarka hoobiyeyaasha ah uu kusoo aadayaa xilli degmada uu ku sugan yahay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

Like it? Share it!

Leave A Response