Galmudug & Puntland oo heshiis ka gaaray la dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Monday, Jul 12, 2021 | 278 views

Kadib kulan ay yeesheen Wasiirada Amniga dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ay heehiis ku gaareen inay siwadajir ah ula dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, isla markaana ay la dagaalamayaan Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay horay ugu heshiiyeen la dagaalanka Al-Shabaab, sidoo kalena uu dhawaan bilaaban doono howlgal ay siwadajir ah u fulinayaan Ciidamada Puntland iyo Galmudug si ay u soo afjaraan dhaq dhsqaaqyada ay ka wadaan Gobolka Mudug.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay ku biireyso dagaalka ay Galmudug kula jirto Al-Shabaab, isla markaana marnaba aysan jiri doonin dad ay kala tashanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer kulamo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo waxaa ay heshiis ku gaareen inay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab, iyada oo Puntland muddooyinkii dambe ay howlgallo ka waday degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response