faafaahin: Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Balcad

by admin | Sunday, Jul 11, 2021 | 329 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar kusoo qaadeen Bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Barta-koontorool ee la weeraray ay ku taal halka loo yaqaan Kulanka Yaroow-Farxaan oo degmada Balcad kaxiga wadada aada dhinaca Magaalada Jowhar, isla markaana la dilay hal askari oo goobta ku sugnaa.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay horay u sii qaateen Qoray AK47 oo uu watay askariga la dilay, waxaana weerarka uu dhacay waaberigii hore ee saaka.

Dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo ku taal degmada Balcad, iyada oo sidoo kale ay dhowr mar la wareegeen.

Like it? Share it!

Leave A Response