Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Mudug

by admin | Sunday, Jul 11, 2021 | 366 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday qoys Xoolo dhaqato ah oo ku sugan duleedka Deegaanka Saax-qurun oo dhaca Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka ay weerarka ku dileen Saddex ruux oo isku qoys ahaa, xilli ay ku sugnaayeen Hooygooda.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in dilkaan uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo sanado badan kajira degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka laga helayo degaank uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in Maanta halkaas ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilka dadka Shacabka.

Mas’uuliyiinta iyo laamaha Amniga Puntland weli kama hadlin dilkaas, waxaana labadii sano ee la soo dhaafay degaannada Gobolka Mudug kusoo batay dilalka aanooyinka qabiilka ah iyo dagaal beeleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response