Qalbi-dhagax oo ka hadlay Ciddii ka danbeysay sii deyntiisa {sawiro}

by admin | Saturday, Jun 30, 2018 | 1476 views

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu helay, iyadoo muuqaalada isagoo ku damaashaadaya magaalada Addis ababa lagu baahiyey baraha bulshada.

Qalbidhagax oo sii deyntiisa kadib hadlay ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay. Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xirnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, uuna la socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

 

Qalbi dhagax Muddo sannad ku dhow ayuu xirnaa

Wuxuu sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen dawladda Itoobiya, odayaal iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

Qalbi dhagax ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore laga qabtay bartamaha Soomaaliya, muddo yar oo uu ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya ka dibna waxaa lagu wareejiyey dalka Itoobiya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response