Madaxweynaha Puntland Saciid Dani “Marxalad adag ayuu marayaa Dalka Wali”

by admin | Friday, Jun 4, 2021 | 355 views

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Qado Sharaf Maamulka Gobolka Karkaar uu beerta nasashada ee Ceel-harre ugu sameeyey Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ee Qardho ku sugan.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay bulshada degmada Qardho, siday Hormuud ugu noqdeen hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada iyo doorkii muhimka ahaa ee ay ka qaateen isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada goleyaasha deegaanka ee degmada Qardho.

Dhanka Madaxweynaha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay xilliggaan ay mareyso meel halis ah loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan si xal buuxa loo gaaro.
Deni ayaa xusay in Soomaaliya ay ku dhici doonto godweyn hadii la fulin waayo heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu gaaray todobaadyadii lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ayaa yiri “Marxalad adag ayuu marayaa Dalka Wali, marxalad noocii Dowladnimo oo aan sugeynay wali wadahadal uu ka socdo ayuu marayaa”

Like it? Share it!

Leave A Response