10 qof oo lagu dilay dagaal ka dhacay waddanka Masar

by admin | Thursday, Jun 3, 2021 | 391 views

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay tuulo ku taal waddanka Masar, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga oo gaaray goobta uu dagaalkaas ka dhacay.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib markii mid kamid ah labada Qoys ay dileen qof Shacab ah, hayeeshee qoyska kale oo ka carooday ay rasaaseeyeen Gaari bas ah oo ay saarnaayeen Ehellada qoyska wax dilay iyo dad kale.

Dadka dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyya Isbitaal si loogu daaweeyo, waxaana dowladda Masar ay Tuulkada u dirtay Ciidamo Boolis ah si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaalamay.
Halka dagaalka uu ka dhacay oo ah Tuulada Abuu Xisaam ayaa waxaa saaka ka taagan xiisad u dhaxeeysa labada beelood, iyada oo dadka ku nool qaarkood ay Warbaahinta u sheegeen inay dareemayan cabsi la xiriirta in uu dagaalka saameeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response