Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

by admin | Wednesday, Jun 2, 2021 | 417 views

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goor dhow dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo ka qeybgalay shirka Wadatashiga Qaran ee lagu gaaray heshiis ku saabsan arrimaha doorashoyinka.

Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response