Wafdi gaaray degmada Baraawe kulamana bilaabay

by admin | Monday, May 31, 2021 | 486 views

Wafdi Saraakiil ah uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed.

Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe kusoodhaweeyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu salka ku haayo inay u kuurgalaan xaaladda Ciidamada ku sugan degmada Baraawe iyo xaaladaha kale ee kajira degmada sida Nabadgelyada.

Taliyaha ayaa Kullan isxogwareysi ah la qaatey Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee Kusugan Baraawe si loo Dardar geliyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response